Faahfaahin ku saabsan dDuqeyn hoobiyaal ah oo xalay lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada xaafado ka mid ah magalaada Muqdisho

0
948

Alshabaab1Waxaa Xalay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay tiro madaafiic ah oo ku dhaceysa Xaafadaha qaar, waxaana Madaafiicdaasi ka dhashay Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda ayaa bilaabatay xalay xili ay dadka badi hurdeen , waxaana Madaafiicda ugu badan ay ku dhaceen Xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay ilaa labo qof ayaa ku dhimatay Madaafiicda xalay lagu garaacay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan u geesteen madaafiicdaasi dad kabadan ilaa 10-qof.

Ciidamada Dowlada ayaa howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen xaafadaha laga maqlayay Madaafiicda xalay dhacday inkastoo aan la ogeyn in dadsoo qabteen, waxaana goob joogayaal kusugan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley sheegayeen in Madaafiicda laga tuurayay gaadiid.

Mudooyinkii dambe waxaa yaraaday Madaafiicda xiliyada habeenkii lagu tuuro qeybo kamid ah Magalaada Muqdisho , hasa ahaatee duqeyntii xalay ayaa noqotay mid cabsi iyo wal wal hor leh ku beertay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Warkii