Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida ay uga hortageen weerarkii ay dhagar qabayaasha Shabaabka ka tirsan ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan fadhigi baarlamaanka.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada askarta ku nafwaysay weerarkii ay kaga hortageen maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay ciidamada ammaanka ee dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada Shabaab aysan saameyn ku yeelan doonin shirarkooda, waxaana uu intaa ku daray in si joota ah ay shirarkooda u qabsan doonaan.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa cambaareeyay weerarkii maanta, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid fuleynimo ah.