Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta Muqdisho kula kulmay Duq Magaalo oo ka socda Swezerland

0
909

Muungaab20140227Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sareeye Guuto Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Duq Magaalo oo ka socda dalka Swezerland.

Mr Muungaab ayaa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Duqa Magaalada Badan ee dalka Swezerland kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay iskaashi dhexmara labada dhinac.

Duqa Magaalada Badan ee dalka Swezerland ayaa aad ugu farxay Isbedelada ka jira Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo uu sheegay in wax badan uu qabtay Maamulka haatan ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sareeye Guuto Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa tilmaamay in dowladda Swezerland ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto Mashaariicda horumarineed ee Caasimadda Muqdisho.

Radio Muqdisho