Guddoomiyaha Marka oo sheegay in Guddoomiyaha Deegaanka Shalaabood uu xilka ka qaaday

0
925

MarkaGuddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Cismaan Cali Yariisow oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoomiye Cusub uu u Magacaabay deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Yariisow ayaa sheegay in deegaanka Shalaanbood uu Hoostago Degmada Marka sidaa darteed uu Magacaabi karo.

Dhanka kale Xiriiro aan la sameynay Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood Nuur Cismaan ayaa sheegay in dowladda ay xilkaasi u dhiibatay isagoo meesha ka saaray Max’ed Yariisow in uu wax Magacaabi karo ama xil ka qaadi karo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxayay Khilaaf u dhexeeyay Guddoomiyaha degmada Marka iyo kan deegaanka Shalaanbood.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar uu dhawaan booqasho ku tagay Gobolka Shabeelaha Hoose sheegay in dowladda ay soo afjareyso Khilaafaadyada ka jira Gobolkaasi.

Shabelle