kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo caawin lahaay dadka ku dhibaateysan deegaanada miyiga ah ee hoos yimaada degmooyinka Beledweyne, Mataabaan, Maxaas, buloburte iyo degmada jalaqlaqsi.
Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in maamulka gobolka ay ka go’antahay in dadkaas dhibaateysan la samata bixiyo, sidoo kale waxa uu ugu baaqay hay’adaha in ay degdeg kaalmo u gaarsiiyaan dadkaasi.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa balan qaaday in maamulkiisu uu biyo dhamin ka bilaabidoono deegaanada qaarkood ayna si wadi doonaan.
Gudoomiyaha ayaa ka dalbaday dowlada in ay garab ka siiso maamulkiisa sidii dadkan biya la’aanta iyo cuna yaridu soo wajahday kaalmo loo gaarsiin lahaa wuxuuna bulshada reer hiiraan ugu baaqay in ay kaalmeeyaan walaalahooda dhibaateysan.
Radio Muqdisho