Gudoomiyaha Gobolka Banadir oo la kulmey madaxda shirkada dhismaha China Railway group

0
1011

Gudoomiyaha G/Banadir ahna Duqa Muqdisho Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa la kulmay maanta wafdi ay hugaaminayeen Mr. Zhaobing oo ah Madaxa shirkada dhismaha ee China railyway No 5 Group ee ay leedahay Dawlada Shiinaha iyo madaxa suuq geynta Mr. WU. Wafdiga ka socday Dawladda shiinaha ayaa sheegay inay tahay waqtigii ku haboonayd dib u dhiska Soomaliya.

Wafdiga shiinaha ayaa hoosta ka xariiqay inay Soomaaliya u yimaadeen inay dib u dhis ku sameeyaan dhismayasha Dawlada Somaaliya gaar ahaan xarumaha halbowlha u ah shaqada Dawlada sida Airport,dekada, wadooyinka Magaalada.’ waxaan qeyb ka noqoneynaa dhismaha magalada muqdisho, sidoo kale waxaan hormarineynaa xiriirka ganacsi ee labada dal Waxan muqdisho ka furidonaa shirkad ganacsi,waxana kor u qaadi doonaa dhoofinta iyo soo dejinta ganacsiga ayuu yiri’’ Mr. Wu Madxa Suuq geynta ee Shirkadda.

Dhankiisa Gudoomiye Mungaab, ayaa soo dhaweeyay wafdiga wuxuuna uga mahadceliyay dawlada Shiiniha dadaaladii ay horey u sameyeen ee dalka lagu dhisay iyo sida hada ay uga go’an tahay inay ka qeyb qataan dib u dhiska iyo bilic soo celinta Muqdisho.” Waxaan doonayaa inan arko waa muqdisho oo qurxoon, heybadeedii la soo celiyay waxan uga baqaa dhamaan dalalka daneeya somaliya inay yimaadaan muqdisho ayna gacan ka siiyaan dadka reer Muqdisho inay dib u dhistaan dalkooda ,China gacmo furan ayaan ku soo dhawaynaa ayuu yiri, Gudoomiyaha G/Banadir ahna Duqa magalada Magaalada Muqdisho.

Shirkada Shiinaha ee dhismaha ayaa u gudbisay Gudoomiyaha G/Banaadir Lifaaq muujinaya wax qabadka iyo Taarikhada Shirkadda. Dukumeentiga ayaa waxa uu muujinayay waxyabaha ay shirkadu horey uga soo qabatay wadamo badan oo ka mid ah Afrika sida, Tanzania, Kenya, Uganda iyo Malawi,
Gunaanudkii ayaa wafdiga ka socday Dawlada China waxa ay balan qaadeen inay ka furi doonaa magaalada Muqdisho Machad lagu tababaro xirfadlayaal Soomaali ah oo ka qeybqadan doona dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya .

Muungaab20140524_3 Muungaab20140524_1 Muungaab20140524_2