Gudoomiyayaasha Degmooyinka G/Banaadir Oo Xalay Si Wadajir Ah U Kormeeray Degmooyinka Gobolka

0
950

HowlgaloMuqdisho20131003Mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyaasha degmooyinka ayaa xalay si wada jir ah kormeer ugu sameeyay degmooyinka gobolka, ayagoo u kuurgalay xalaada amaanka iyadoo dib u dayactir ku sameeyay leyararka ku shaqeeya ileyska cadceeda.

Ujeedada kormeerka ay xalay degmooyinka G/Banaadir ku sameeyeen dhamaan gudoomiyaasha degmooyinka ayaa ahayd sidii ay ugu kuurgali lahaayeen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen u kuurgelida xaalada amaanka iyo meelaha ay ku xiranyihiin Leyrarka ku shaqeeya ileyska cadceeda.

Howlahan kormeerka ah ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyo kuwa degmooyinka, waxaana ka mid ah meelaha ay tageen wadooyinka wadnaha, Sodonka iyo isgoyso kale oo muhim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Muddadii kormeerka uu socday ayaa mas’uuliyiinta waxaa ay la kulmayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool meekaha ay tageen, ayagoo sidoo kale saraakiisha amaanka wax ka weydiinayaan xaaladaha nabad gelyo ee ka jira degmooyinka gobolka Banaadir.

Maamullada degmooyinka oo kaashanaya kan gobolka ayaa dadaal xoogan ugu jiraa sidii ay u sii amba qaadi lahaayeen isbedellada iyo horumarka haatan ka jira caasimada, taasi oo ay ugu horeyso xagga nabad geliyada ayna ka hortagaan wax kasta oo amaanka wax u dhimi kara.

 

Radio Muqdisho