Gudoonka Baarlamaanka oo ganaax ku soo rogay Xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada Baarlamaanka

0
945

Jawaari20130616_1Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray tira-koobkii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo maanta uu kooram la’aan u baaqday codeyntii xeerka Bangiyada oo ka mid ahaa hidise sharciyeedyo hor-yaala Baarlamaanka.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin Xildhibaanada iska maqnaada ee aan lala xisaabtameyn, isagoo xusay inay soo saareen ganaax garka loo gelinayo Xildhibaankii ka maqnaa shirarka muddo saddex cisho ka badan

“Baarlamaanka wuxuu farayaa gudiga dishibiliin in wixii hada ka dambeeya la xisaabtami doono Xildhibaanada maqnaa, kuwo saddex kulan maqnaada canaan iyo digniin loo jeedinayaa, wixii 7-maalmood ka badan xildhibaankii maqnaada waxaa mushaarkiisa laga jarayaa $600-lix boqol doolar”ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiyaha inay jiraan Xildhibaano ka maqan shirarka baarlamaanka muddo 25-maalmood, isla markaana ay si gaar ah Gudiga dishibiliinka isha ugu heyn doono.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in dib loogu celin doono Gudiga difaaca Baarlamaanka heshiis ay la galeen dowladda Talyaaniga, kadib markii Xildhibaanada qaar ay soo gudbiyeen in heshiiskaas dib loogu celiyo, si faah faahin uga soo bixiyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyaa in aysan gudan waajibaadkooda, isla markaana danta qaranka ay ka hormariyaan dantooda gaarka, sidaas darteed aanay fadhiyada soo xaadirin, waxaana xilligan hor-yaal Baarlamaanka hindise sharciyeedyo fara badan oo loo baahan yahay in la meel mariyo.

Jowhar