
Hay’addaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ka digay inay sii socdaan xad-gudubyada ay u geysanayso Dowladda Kenya dadka Soomaaliyeed ee ku nool Wadankaasi.
Digniintan ay soo saareen hey’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka ayaa ku socota hey’adaha amaanka ee dowlada Kenya, kuwaas oo wada howlgal ay ugu magac dareen nabadda iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana dowlada Kenya lagu baraarujiyay cawaaqib xumida ka dhalan karta cadaadiska ay ku hayaan Soomaalida ku nool dalkaasi.
Hey’adda Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowlada Kenya ay sii kordhineyso dhiirigelinta dadka diidan Nabada iyo kuwa lagu xadgudbay.
“ciidamada Kenya ayaa joogteeya cadaadiska dadka jilicsan oo ay ugu horeyaan Soomaalida sababtuna ma ahan in Kenya ay raadineyso nabad u gaar ah, nabadu waxa ay ku jirtaa la dhaqanka bulshada, Soomaaliduna arinkaasi door muuqda ayeey ku leeyihiin, dowlada Kenya waa iney dib u eegtaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamadeeda” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay hey’ada Human Rights Watch
Digniintan ay soo saareen ilaa dhowr hey’adood oo dhinaca xuquuqul insaanka ah ayaa lagu xusay in ciidamada Kenya ay xaafada Islii ku tilmaamaan in ay tahay barta lacagaha laga helo tasoo ay sabab uga dhigeen musuqa hareeyay hey’adaha Kenya iyo mushaar la’aanta heysata ciidamada.
Dowlada Kenya ayaa dhegaha ka fureysatay baaqyada kaga imaanaya hey’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo ay jiraan dad badan oo ay dhibaato xoog leh iyo xad gudub u geysteen ciidamada Kenya.
Radio Muqdisho