Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay dagaalkii Beledxaawo

0
915

AxmedMadoobe20130911_1Iyadoo dagaal ay dad badan ku dhinteen uu shalay ka dhacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu eedeeyay dagaalkaas inuu ku lug leeyahay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Afhayeenka Ahlusuna ee Gobolada Koofureed Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo uu Axmed Madoobe u soo adeegsaday Gudoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan oo ah Wasiir kuxigeenka Maamulka KMG ah ee Jubba.

“Dagaalkaas waxaa ka mas’uul ah Axmed Madoobe, wuxuu mar kale soo cusbooneysiisay dagaalkii uu ka waday dalka, mana ka tanaasulin fikirkii Xisbul islaam”ayuu yiri Afhayeenka Ahlusuna oo intaa ku daray in maxkamad la soo taago Gudoomiyaha degmada Doolow.

Waxaa uu sheegay in qasaare fara badan oo ka soo gaaray dad shacab ah dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo, markii madaafiic lagu garaacay, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah tallaabo ugu qaado.

Xaalada degmada Beledxaawo ayaa saakay degan, iyadoo la dareemayo wali xiisado iyo dhaq dhaqaaq ciidan ay wadaan dhinacyadii dagaalamay, waxaana ka jira deegaanka loolan ku aadan gacan ku heynta Beledxaawo oo ciidamada weeraray ay doonayaan inay hoos geeyaan Maamulka Jubba.

Jowhar