Tan iyo wixii ka dambeeyay markii qarax naftii halignimo uu kadhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaasoo ay ku nafwaayeen dad kabadan 18 ruux oo rayid ah ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka bilowday howlagalo lagu xaqiijinayo amaanka kuwaasoo ay sameynayaan ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya’
Taliyaha saldhiga Booliska Baydhabo Muqtaar Axmed Ibraahim ayaa sheegay in howlgaladan lagu soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falalka amni darada ah ee ka dhacaya magalaada Baydhabo isagoo xusay in looga gol leeyahay sidii looga hortagilahaa Argagaxisada dhibaatada u geysata dadka rayidka iyo kahortaga falalaka gumaadka ah ee uu ugu horeeyaan qaraxyada lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah.
Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale laga mamnuucay isticmaalka gawaarida Becelka ah ama muraayadaha madow leh iyadoo ay ciidamada amaanku gacanta kusoo dhigeen gawaari farabadan oo muraayado madow leh waxaana ay gaarayaan dadka lagu qabtay howlgaladaasi ilaa 20 ruux inkastoo ay weli socdaan baaritaano lagu kala saarayo.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa dhawaan ka dhacay qarax naftii halignimo oo uu fuliyay dhagarqabe katirsan kooxda Al-shabaab kaasoo lala beegsaday goob ay isugu yimaadaan dadka reer Baydhabo ayna ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Radio Muqdisho