Ilaa 18-caruur u badnaa gabdho, qaab ganacsi ahaana loo tahriibin rabay oo lagu qabtay Cadaado

0
841

CadaadoMaamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ka warbixiyay howl gal ciidamadooda ku soo bad baadiyeen ilaa 18 caruur laga soo xaday qeybo ka mid ah Gobolada Koofureed, lana doonayay in qaab ganacsi loogu tahriibiyay dalka Sacuudiya Carabiya.

Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in caruurtan laga soo afduubtay Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Baaritaan kadib waxaa ciidamada amniga ku qabteen Cadaado caruur gaareysa ilaa 18 caruur oo 17 ka mid ah ay gabdho ahaayeen, afar qof baa hogaamineysay oo mid ay haweeney aheyd, markii hore warar kala duwan ayay inoo sheegtay, Galkacyo ku soconay mar na tiri, iyo Boosaaso iyo in tahriib u wado dalka Sacuudiga, marka baaritaan ayaa wali ku wadnaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Waxaa uu sheegay in caruurtan ay geeyeen xarun weyn oo lagu xanaaneeyo, isla markaana ay ku wareejiyeen Ururka Haweenka Maamulka Ximin iyo xeeb, si ay u xanaaneeyaan.

Mar la weydiiyay sababta ka dambeysa in caruur inta la eg oo u badan gabdho loo afduubto ayuu xusay inay ku tuhunsan yahay in qaab ganacsi ahaan loo waday, waxaaa uu cadeeyay inay la xiriireen reerahooda.

“Caruurtaan waxaa tuhunsanahay in qaab ganacsi loo waday, ma ahan caruur shaqeyn karta, waayo aad bey u da’yar yihiin, waxaa u weyn 9-jir, 6-jir ilaa afar jir, marka sabab loo tahriibiyo ama shaqo loogu wado meesha ma muuqato, reerahooda ayaa la xiriirnay, badankoodna waxay ka soo jeedaan Buulo Mareer”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Ximin iyo xeeb.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inay wadaan dadaalo ah sidii dadka eheladooda ah ay ugu wareejin lahaayeen, balse waxaa uu xusay in marka hore ay soo dhamaato baaritaanada wali socda.

Jowhar