Injineer Turkey ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
859

RaodsInMogadishuTurkey20140321_2Wararka aynu ka heleyno Isgoyska KM4 gaar ahaan Nawaaxiga aargada ee degmada Hodan ayaa ku soo warramaya in Dableey Hubeysan ay ku toogteen halkaasi Injineer Turkey ah.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay Rasaasta ka soo rideen gaari Nuuca NOAH-da ah oo ay wateen xilli Injineerka uu gacantiisa isna ku watay gaari kale waxaana la saarneed labo ilaalo Soomaali ah.

Injineerka Turkey-ga ah ee la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Injineerada dhismooyinka wadada ka waday Magaalada Muqdisho.

Wixii faah faahin ah ee ku soo kordha dilka Injineerkaasi Turkey-ga ah halkaan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa Insha’allah.

Shabelle