Is mari waa ku saabsan isku shaandheyn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada ayaa soo dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo arrintan ay durba soo shaac baxday.
Xog hoose ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in kulan xalay dhex maray madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu natiijo la’aan ku dhamaaday, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha uu soo jeediyay in isku shaandheynta cusub ee lagu sameynayo Golaha Wasiirada ay booska ku weyn doonaan ilaa lix wasaaradood.
Wararka qaar ayaa sheegaya in soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee ah in lix wasaaradood ay booska weyn doonaan ay saameyn doonto saaxibada Madaxweynaha ee ku jira Golaha Wasiirada, taasna uu Madaxweynuhu ka biya diiday.
Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abdiweli
Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Abdiweli
Magacaabista xilka Wasiirka Amniga Qaranka ayaa ku imaan doonta isku shaadheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada, kaasoo la sheegay inay tahay mid kooban, isla markaana ay dhici karto in Wasiiro xilkooda waayaan, qaarna wasaaradaha loo kala bedelo.
Inkastoo wararkan ay yihiin kuwo horu dhac ah ayaa hadana durba waxaa la dareemayaa is mari waagan ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah kii u horeeyay ee si dhab ah u dhex maro.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrintan laga yaabo inay soo fara geliso beesha Caalamka, si xal loogu helo.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu is casilay Wasiirkii Amniga C/kariin Xuseen Guuleed waxaa soo baxayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada.
Jowhar.com