Isbitaalka Beydhabo oo ay Qalab iyo Daawo La’aani ka Jirto

0
898

BaydhaboHospitalMaamulka Isbitaalka magaalada Beydhabo ayaa walaac ka muujiyay baahi qalab iyo daawo oo ka jirta Isbitaalka xilli ay jiifaan bukaanno badan oo uu soo ritay cudur ku cusub gobolkaasi.

Agaasimaha Isbitaalka C/llaahi Cali Aadan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dhaqaatiirtu ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar u siin ,lahaayeen bukaano uu soo ritay cudur ku cusub degaanka oo ku dhaca caloosha, cudurkaas waxaa degaanka looga yaqaanaa “Bog-Fuur” sida uu sheegay agaasimuhu.

Wuxuu intaa ku daray in isbitaalku uusan heysan daawo iyo qalab ku filan si uu u daweeyo bukaanadaan oo laga kala keenay degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool.

Isbitaalka magaalada Beydhabo ayaa dhawaan lagu sameeyay dayactir, wuxuuna hadda qabtaa adeegyo isugu jira qalliin iyo bukaan eegto.

Radio Muqdisho