Iska Hor’imaad xalay ka dhacay Degmada Marka

0
787

Alshabaab1Iska Hor’imaadyo Khasaaro sababay oo u dhexeeya Ciidanka AMISOM iyo Al Shabaab ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Iska Hor’imaadyada ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan dagaalamayaasha Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisin Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya eek u sugan degmada Marka oo aan xiriiro la sameynay si aanu wax uga weydiinno khasaaraha iska hor’imaadka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan.

Magaalada Marka ayaa Maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacay weeraro kala duwan oo khaasaaro sababay.

 

Shabelle