Iska Hor’imaad Xalay ka dhacay Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir

0
842
Markacadeey.com

Markacadeey.comIska Hor’imaad Khasaaro sababay ayaa waxa uu xalay ka dhacay degmada Yaaqshid ee Gobolka Banadir.

Sida uu Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid Cismaan Max’ud Cadaawe iska hor’imaadka ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen Guri Xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshid ay ka degnaayeen dagaalamayaal Al Shabaab ka tirsan.

Inkastoo guddoomiyuhu sheegay in Iska Hor’imaadku khasaaro geystay hadana weli ma cadda xaddiga uu gaarsiisan yahay.

Ugu dambeyn ayuu guddoomiyuhu sheegay in ay jiraan dagaalamayaal ka tirsanaa Kooxihii ay ciidamada dowladdu weerareen oo ay gacanta ku dhigeen.

Shabelle