Jaaliyadda Soomaaliyeed ee China oo ka Warbixisay Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ku Geeriyootay Halkaasi

0
949

Halkan ka dhegeyso hadlka gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cali Macow

 

CaliMacowGudJaaliyadaChina20140513Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka China ayaa faahfaahin ka bixisay dadaal ay ugu jiraan sidii loo dhoofin lahaa meydka gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ku geeriyootay Dalka China.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi China Cali Macow oo u warramayey weriyaheen Cali Jaamac Cilmi (Cali kuus) oo shaqo u jooga dalkaasi ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaay in dalka China ay waqti u qabteen meydka marxuumadda balse ay Jaaliyadda Soomaaliyeed haatan ku talo jiraan in ay soo ambabixiyaan maadaama dalkaasi meydka la gubo.

Cali Macow waxa uu sheegay in ay ururiyeen lacag ka badan soddon kun oo dollar oo ku baxeysa soo qaadidda meydka, lacagahaasoo ay iska soo uruuriyeen Ganacsatada iyo guud ahaan jaaliyadda dalkaasi China ku nool, waxaana sidoo kale gacan ka geystay arrintaasi safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka China Cali Macow ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalkaasi ineysan ku kadsoomin, maxaa yeelay ayuu yiri waxaa dhici kara dhibaatada hadda taagan oo kale, taasoo ay adkaaneyso sida lagu xalliyo haddii dhacdo tan oo kale ah ay timaado.