Kalluumeysatada Mudug oo cabanaya

0
803

FishermenSomaliaKalluumaysatada gobolka Mudug iyo deegaannada hoos taga maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan kalluumaysatada shisheeye ee ka jillaabta xeebaha Soomaaliya.

Maxamed Nuur Cilmi oo ka mid ah kalluumaysatada deegaanka Ceel-huur oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in kalluumaysatada shisheeye ay dhibaato ku hayaan iyaga iyo kalluumaysatada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wuxuu tilmaamay in kalluumaysatada shisheeye ay ka jaraan shabaagadaha ay dhigtaan, iyagoo mararka qaar ugu hanjaba in doonyaha ay wataan ay ka burburinayaan iyo in ay qaban doonaan oo ay burcad badeed ku eedeyn doonaan haddii ay ka ag dhowaadaan.

Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa toddobaadkii hore xeebta deegaanka Baargaal ee gobolka Bari howlgal ay ka sameeyeen ku soo qabtay 4 doon oo laga leeyahay dalka Yemen oo ay saarnaayeen 62 qof oo Yemeniyiin ah, kuwaas oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.

Bar-kulan