Kenya: Maxkamad dhageysanaysa dacwad la xiriirta raafka qaxootiga

0
934

NairobiSomalidaQafaash20140411_1Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta dhageysato dacwad ay hor-dhigeen dadka qaxootiga ah ee ku ganacsada magaalada Nairobi ee haysta waraaqaha aqoonsiga qaxootinnimo ee ay bixisay dowladda Kenya, kuwaas oo ay saameeyeen howlgallada ay ciidamada ammaanka ka wadaan magaalada.

Dadka dacwadda gudbiyay waxaa ku jira Soomaali.

Guddoomiyaha Guddiga Xaafadda Eastleigh, Xuseen Aar oo maanta u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in shantii bishan May ay dacwadda u gudbiyeen maxkamadda sare, ayna amar ku bixisay in dadkaas ay joogi karaan magaalooyinka Kenya inta go’aan kama dambeys ah laga gaarayo arrintooda.

Xuseen Aar ayaa tilmaamay in ay rajeynayaan in dadka Soomaalida ah ee haysta aqoonsiga Alien-ka ee ay dowladdu siisay sanadkii 2006 ay heli doonaan xuquuqdooda, kaddibna ay u doodi doonaan kuwa kale ee dib ka qaatay kaararkaas.

Wuxuu xusay in ay sharcidarro tahay in lagu xadgudbo qofka haysta sharciga haddii uu dambiile yahayna loo baahan yahay in lagu soo oogo dacwad.

Dowladda Kenya ayaa mar sii horreysay soo saartay wareegto dadka qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka faraysay inay dib ugu noqdaan xeryaha qaxootiga.

Bar-kulan