Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qunsul ay Kenya u soo magacawday magaaladaas uu waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe.
Sida ay sheegayaa wararka Qusulkan oo maalin ka hor gaaray Kismaayo ayaa shalay waxaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomiyay Axmed Madoobe, iyadoo mar uu qunsulkan la hadlay warbaahinta uu sheegay inuu xoojinayo xiriirka u dhaxeeya Maamulka Jubba iyo Kenya.
Qunsulkan ayaa sheegay in dhowaan xafiis uu ka furanayo magaalada Kismaayo, si uu u sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Goobweyn ayaa sheegay in qunsulkan ay soo magacawday Kenya uu aheyn qunsul, balse uu yahay Gudoomiye Gobol ay Kenya Jubooyinka u soo magacawday, si ay dhulka deegaanada Jubooyinka ugu darsato dalkeeda.
“Waxa la keenay Qunsul ma ahan ee waa Gudoomiyaheeda Jubooyinka, Kenya dhulkan ayaga is ka leh”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho.
Kenya ayaa waxaa ciidamo fara badan oo ka mid ah AMISOM ay ka joogaan Kismaayo iyo deegaanada Jubooyinka, iyadoo xiriir dhow ay la leeyihiin Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Jowhar