Khilaaf soo kala dhex galay Axmed Madoobe iyo Fartaag

0
1004

AxmedMadoobeAndFartaagWarar si hoose ay u heshay Shabakada Warkii ayaa ku waramaaya in xilligaan uu bilawday khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa Fartaag.

Khilaafkaan ayaa maalmahaan jiray, waxaana la sheegayaa inuu ka yimid dhanka Goobweyne ka dib kala aragti la noqday.

Axmed Madoobe ayaa ku xigeenadiisa u sheegay in la qaadi doono dagaal si Hiiraale iyo ragga la socda gacanta loogu soo dhigo.

Hase yeeshee Fartaag ayaa sheegay in warkaasi aanay qaadan doonin, islamarkaana aan wax duulaan ah la qaadi Karin.

Dood ka dib waxaa la sheegay in lagu kala dareeray, waxaana dhanka kale Fartaag oo hadda ku sugan Gedo uu doonayaa in Reer Gedo u sheego in si nabad ah Hiiraale halkaasi looga soo wado.

Warkii