Kulan Looga Hadlay ka Hortagga Tahriibka oo Muqdisho Lagu Qabtay

0
838

Kulan looga hadlayay qatarka tahriibka iyo sida loo yareyn karo oo ay ka qeyb galeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyay urur ka shaqeeya ka hortagga tahriibka, waxaa looga dooday dhibaatooyinka muuqda iyo kuwa maskaxeed ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadaan Tahriibka, ayadoo dadkii ka qeyb galay kulanka ay soo bandhigeen tacaddiyo badan oo loo geystay tahriibeyaal Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ururkan soo qabanqaabiyay kulanka Xasan Ismaaciil Nuur ayaa sheegay in dadka tahriiba loo geysto dhibaatooyin ay ka mid yihiin jir-dil, addoonsi, dil toos ah iyo afduub. Ayadoo dadka qaar si qasab ah loogu shaqeysto. Haweenka ayaa sidoo kale la kulma kufsi iyo tacaddiyo kale sida uu sheegay.

Sidoo kale dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhamaada badaha caalamka ayagoo tahriib ku jira. Dadka Soomaaliyeed iyo dowladda ayuu ugu baaqay Xasan inay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa ama loo yareyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed e tahriibeysa.

XIldhibaan Bishaar Ugaas oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa sheegay in baarlamaanku uu ka shaqeynayo sidii loo soo saari lahaa sharci xakamaynaya ama joojinaya tahriibka, taas oo wax badan ka qaban doonta in dadka Soomaaliyeed ay ku sii jiraan dhibaatooyinka ay kala kulmaan tahriibka.

Sanad kasta boqollaal Soomaali ah ayaa ku dhimaya badaha iyo saxaraha caalamka, kuwaas oo ah tahriibeyaal raadinaya nolol ka wanaagsan tan ay ku heystaan waddankooda.

tahriibayaalSomaalihr