Laba qarax waaweyn oo ka dhacey xarunt wadanka Jabuuti

0
974

DjiboutiLaba qarax oo waaweyn, ayaa waxa ay caawa ka dhaceen Xarunta Wadanka Jabuuti ee Magaalada Djibouti, iyadoo qaraxyada si weyn looga maqlay inta badan Magaalada.

Baar ay fariistaan dadka ladan, sidoo kalana ay ku badan yihiin Reer Galbeedka, ayaa waxaa laga maqlay jug culus, iyadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan, waxa loo adeegsaday.

Wararka qaar, ayaa sheegaaya in uu fuliyay nin naftii hurre ahaa, iyadoo warar kalana ay sheegayaan in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

Baarka la weeraray oo lagu magacaabo Plaza Maririk, ayaa qaraxa wax yar kadib laga maqlay qarax kaloo xoogan, iyadoo qaraxaasi uu yimid xilli ay isbuurteen dadkii ku sugnaa maqaaxida.

Plaza Miririk oo ku dhow Salaama Bank, Xaruntiisa Magaalada Djibouti, ayaa waxaan la aqoon cidda weerarkaan geysatay iyo inta uu le’eg yahay khasaaraha guud ee ka dhashay.

Laakiin goobjooge la hadlay Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa ku waramaaya in uu arkay dhaawacyada dad gaaraaya ilaa 9 ruux, iyadoo aanu sheegin wax dhimasho ah.

Dowladda Jabuuti wax war ah kama soo saarin weerarka caawa ka dhacay dalkeeda, ha yeeshee wuxuu ku soo aadayaa, xilli Ururka Al Shabaab ay marar badan ku hanjabeen in ay weeraro ka geysan doonaan dalalka, ay Ciidamadu ka jooggaan Soomaaliya.