Maamulka degmada Marka oo la eedeeyay iyo Maamulka oo Gaashanka u daruuray

0
981

MarkaNabadoon Cabdull oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Maamulka degmada Marka ee uu hoggaamiyo Max’ed Cismaan Yariisow uu gabood fallo iyo Xad gudubyo aan loo aaba yeelin degmadaasi ka geystay.

Cabdul ayaa Yiri “waxaa dilal Maamulku uu agaasimay ay ka dhaceen degmada, xad gudubyo iyo tacadi tira badanna waa uu sameeyay Maamulka degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale si aan wax uga ogaanno eedeymaha Maamulka Degmada Marko loo jeediyay waxa uu kala socdo ayaanu xiriir la sameynay guddoomiyaha degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Cismaan Yariisow kaas oo sheegay in ay yihiin warar been abuur iyo ku turu ku teen wax uu ugu yeeray eedeymahaasi.

“Soomaalidu waxa ay ku Maah maahdaa Nacal Abuug midna hortaa ayuu been ka sheegaa midna gadaashaa” sidaasi waxaa yiri Max’ed Cismaan Yariisow Guddoomiyaha degmada Marka.

Dhanka kale mar ay Shabelle wax ka weydiisay arrimaha Ciidamada ka howl gala degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose ayuu sheegay in dhammaan wixii ciidan ah oo deegaanada Marka hoostaga ku sugan uu isagu Maamulo isagoo meesha ka saaray in ay hoostagaan ciidamadaasi wax talisyadooda ah.

 

Shabelle