Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka ee ka howl gala Gobolkaasi aanu wax u qaban shacabka deeganada Gobolkaasi ku daac dareysan.
C/qaadir siidii ayaa carabka ku adkeeyay in Hay’adaha aanu waxba ka qaban gobolka Shabeelaha Hoose hadana ka howl gala ay u gudbinayaan Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.
“ waxa ay u dhisan yihiin waa in ay taageeraan bulshada ka warrama haddii magaca Bulshada darteed ay caalamka ugu andacoodaan hadana aanu waxba u qaban dadka tabaaleysan , waa nasiib darro dhabtii” sidaasi waxaa yiri C/qaadir Max’ed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in shacabka ku nool deegaanada Gobolkaasi ay u baahan yihiin taageero dhanka Samafalka ah.
Shabelle