Maamulka Jubba oo la kulmay booliska AMISOM

0
1267

KismayoCityMaamulka KMG ah ee Jubba iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan booliska AMISOM ayaa kulan looga hadlay adkaynta ammaanka ku yeeshay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Cabduqaadir Lugadheere oo Bar-kulan u warramay kulanka kaddib ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in booliska AMISOM uu ka howlgalo magaalada.

Cabduqaadir Lugadheere ayaa intaas ku daray in booliska AMISOM uu tababarro siin doono booliska maamulka KMG ah ee Jubba.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka dhaca dilal intooda badan u muuqda kuwo qorshaysan, kuwaas oo qalqal galiya xasilloonida.

Bar-Kulan