Ugu yaraan hal Ruux ayaa ku dhintay 4 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii xaley Kooxo hubeysan ay Madaafiic ku garaaceen Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Labo Madfac ayaa la sheegay in ay ku dhaceen Xaafado ku yaala Degmada Boondheera waxaana halkaasi ku geeriyooday Haweeney Iyadoona uu sidoo kale dhaawac ka soo gaaray 4 kale.
Dadka ku dhaawacmay Weerarka Madaafiicda ahaa ayaa waxaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada Muqdisho sida Goobjoogeyaal ay u sheegeen Idaacadda Shabelle.
Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasin C.laahi Xasan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labo Hoobiye uu ku soo dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Waxuu sidoo kale ugu dambeyn shaaciyay in Madaafiicda laga soo tuuray Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir sida uu hadalka u yiri.
Shabelle