Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soonmaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa booqasho labo cisho qaadaneyso waxa ay ku joogi doonaan dalka Ethiopia, halkaasi oo ay Mas’uuliyiinta Ethiopia ay kulankooda kaga hadli doono xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka ammaanka iyo arrimo kale.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay u sii amba bixi doonaan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ka helay casuumaad rasmi ah boqorka Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan,
Wafdiga Madaxweynaha waxaana garonka ku sii sagootiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho, Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, siyaasiga Cali Maxamed Geedi iyo mas’uliyiin kale.
Safarka Madaxweynaha iyo Wafdigisa waxaa Warbaahinta Qaranka uga Warbixiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, hadana ah ku-simaha Madaxweynaha, isagoo sheegay in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay booqasho ku tegi doonaan Dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Ethiopia iyo wadamo kale.
Radio Muqdisho