Madaxweynaha Puntland oo Addis-Ababa xalay kula kulmay wafuud ka socotay Wasaarada Arimaha Dibada ee dalkaasi Maraykanka

0
940

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas ayaa kulan la qaatay xalay fiidkii saraakiil ka tirsan Waraarada Arimaha Dibada ee Dalkaasi Maraykanka, kuwaas oo uu hogaaminayey Mudane. John Kerry.

Kulankan heerka sare ah ee Madaxweyne Gaas uu la qaatay masuuliyiinta sar sare ee ka tirsan dawlada Maraykanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka waxbarashada Ali Haji Warsame Iyo Wasiirka AmnigaHasan Osman Aloore oo ka mid ahaa weftigii la socday Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca dawlada Maraykanka ayaa waxaa kulankaasi uga qayb galay ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna uqaabilsanaha Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield, Safiirka Marykanaka u qaabilsan soomaaliya Mudane James P. McAnulty iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Safaarada Marykanka ee Etobiya Mudane Brendan Gough.

Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas iyo Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa intii dalka Ethiopia ku sugnaayeen kulamo kala duwan la qaatay madax badan oo ka tirsan beesha caalamka.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa xalay gelin dhexaadkii waxay safar ugu anbabaxeen magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yemen, halkaasi oo Madaxweynaha iyo Weftigiisu booqasho gaaban ku joogi doonaan mudo hal todobaad ka yar.

Radio Muqdisho

 

AbdiweliPuntlandMeetsAmericans20140503 AbdiweliPuntlandMeetsAmericans20140503_1