Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa meesha ka saaray wax khilaaf ah in uu dhexeeyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in arrimaha ku aadan ismaandhaafka Hay’adaha dowladda ay yihiin kuwa ay buun buuninayaan dad uu ku tilmaamay warxumo tashiil.
“Dowladdu ma u dul qaadan doonto cid kasta ee amniga wax liddi ku ah baraarujineyso sida Wariyayaal ka hadla Idaacadaha Maxalliga qaarkood.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli dhawaanahaan la hadal hayay in uu khilaaf ba’an soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Max’ed.
Shabelle