Madaxweyne Geelle “Ma wanaagsana in Kenya ay isku darto Soomaalida oo dhan, kii dambi leh dalka haka saarto”

0
1006

IsmailOmarGeeleMadaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay dhibaatada Soomaalida ku heysato dalka Kenya iyo raafka ay ciidamada ku hayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dowladda Kenya in aanay isku darin Soomaalida oo dhan.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Kenya ay ka mid tahay dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya, isla markaana ay soo dhoweysay Soomaali fara badan, hase ahaatee ay ka daba timid dhibaato fara badan

“Kenya ciidan bey ku leedahay Soomaaliya, dowladaha u soo gurmaday ayay ku jirtaa weyna soo dhoweysay soomaali aad u fara badan, dhibaatooyin ka daba yimid ayaa aad u dhaawacay, waa garaneysaa dhibaatada ay maanta ku jiraan”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa uu sheegay in aanay wanaagsaneyn in aan lagu xadgudbin Soomaalida oo aan si aan kala sooc laheyn loo raafo, waxaana uu xusay in la kala garan waayay Soomaalida Kenyanka iyo Soomaalida kale.

“Kii Dambiilaha ah waa in la soo qabtaa, ama Maxkamad la soo taagaa, dalkana laga saaraa, laakiin inaan la isku darin Soomaalida baa wanaagsan”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay in si aan kala sooc laheyn ay u qab qabanayaan Soomaalida, kii sharci heysta iyo midka aan sharciga heysan, waxaana ay dalkooda ka soo musaafuriyeen dad fara badan oo dalkaas muddo sanado degenaa.

Jowhar