Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka noqday AMISOM ay ka duwan yihiin waajibaadka Ciidamada kale ee AMISOM, isagoo cadeeyay in waqti kooban ay dalka joogayaan.
Wareysi dheer oo uu Madaxweynaha siiyay Telefishinka Soomaaliga ee Universal ayuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay dalka joogayaan muddo 18-bilood ah.
“Ciidamada Itoobiya wey ka mandate duwan yihiin ciidamada AMISOM, dalka waxay joogayaan 18-bilood, iyo howsha ay qabanayaan, sidaas darteed waxay ku yimaadeen codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya, Un-ka iyo AU”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mar Madaxweynaha wax laga weydiiyay sababta keentay in howl galadii ka dhanka ahaa Al-Shabaab uu hakad ku yimaado ayuu kaga jawaabay in sababaha ugu weyn ay ahaayeen roobabka guga oo la galay.
“Dagaalada waqtiga hada la joogo sababta ugu weyn ee hakadka u galeen waa xilliga roobabka dalka awgood, dalka wadooyin ma lahan meelaha shabaab lagula dagaalamayo waa dhulal ka baxsan magaalooyinka, qorshe ay dejiyeen ciidamada AMISOM iyo dowladda ayaa jiray wixii lagu tala galay waa dhaqan galeen, howl galkana gaabiska waxaa keenay xilliga lagu jiro”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu socdo qorshe uu dib u habeyn ugu sameynayo garsoorka, isla markaana ay dhibaato badan ka jirto, waxaana uu xusay inay socdaan shuruucdii is bedelka loogu sameyayay Hey’adaha garsoorka.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa bishii Maarso ka qabsaday Al-Shabaab magaalooyin badan oo ku yaal Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Jowhar