Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo sameeyay soo dhoweyn Siyaasadeed Jawaab u ah baaqii Xildhibaanada

0
1058

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wajahaya mowjado siyaasadeed xoog leh ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo socod ku maray wadada u dhaxeysa Daljirka Dahsoon ilaa Tiyaatarka Qaranka, halkaaasoo dadweyne watay sawirkiisa ay tubnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo dadweyne watay sawirkiisa.

Soo dhaweyntan Siyaasadeed ayaa fariin u ahayd 100 kii Xildhibaan oo labo maalin ka hor ka sheegay Magaalada Muqdisho in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud is casilo, waxaana soo dhaweyntan Siyaasadeed dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Raíisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo mar si aad ah u dhaliili jiray siyaasada Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo si degenaan ku jirto uga jawaabay baaqii Xildhibaanada ka soo yeeray.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka iyo mas’uuliyiin kale oo uu kala hadlay cilaaqaadka dalka iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.

“Adis-Ababa waxaa kula kulannay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo aan ka wada hadalnay cilaaqaadka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka iyo latashiga shirka Wadamadda Afrika iyo Mareykanka Bisha Augusto ee sannadkan ka dhici doona Mareykanka iyo sidii loo kordhin lahaa tegeeradda Soomaaliya iyo iskaashiga dhanka Aminiga iyo la dagaalanka argagixisada”

Madaxweynaha oo ka hadlayay baaqii ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka ee aha ainuu is casilo ayaa yiri “aad iyo aad baan u xushmeynayaa una qadarinayaa ra’yiga qofka Soomaaliga ah haddii uu yahay siyaasi ama qof shacab ah labaduba, qofku inuu ra’yigiisa cabiraa waa wax aad u fiican, waan ku faraxsanahay in maanta si xuriyad ah loo hadli karo dadkuna ay ra’yigooda cabiri karaan, waxay hormuud u tahay xoriyadda iyo Dowladdnimadda meesha aan ka gaarnay laakin waxaan leeyahay ra’yi kasta oo la cabirayaa waxa uu leeyahay meel lagu cabiro iyo si loo cabiro, Waxaa leeyahay afkaarta waa xor”.

Madaxweynaha Somaaliya ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo Soomaali ah, kuwaasoo qaba tabasho oo uu dhageysto sida uu yiri.

“Waxaan diyaar u ahay inaan la farhiisto cid kasto oo Soomaali ah oo tabasho qabta oo aan dhageysto tabashadooda cid kasto Soomaali ah oo rayi Soomaaliya lagu horumarinayo heysana in aan ka dhageysano oo aan ka qaadano ayaan diyaar u nahay. Dhaqanka Dowladdnimadda aan ilaalino waliba Dowladnimadda dhaxdeeda aan ku ilaalino”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa in qiimeyn dhab ah la qiimeeyo Waxqabadka Dowladda gaar ahaan hey’adaha Dowladda iyadoo aan la siyaasadeyn. Soomaaliya meelbey ka timid meel ayeyna u socotaa, Soomaaliya Dowlad ayey yeelatay Dowladdnimaduna waa sii xoogeysaneysaa”.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto mowjadaha siyaasadeed ee uu dalka galay, iyadoo soo laabashada Madaxweynaha ay waji cusub u furi doonto is jiid jiidka siyaasadeed ee ka dhex bilaaban doonaan gudaha Baarlamaanka oo noqon doona mid lagu kala jiito Xildhibaanada.

Jowhar

XasanSheekh20140508_5 XasanSheekh20140508_4 XasanSheekh20140508_3 XasanSheekh20140508_2 XasanSheekh20140508_1XasanSheekh20140508_3