Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya, in M/weynaha DF mudane Xasan Shiikh Maxamuud, uu saacadaha soo aadan u duuli doono magaalada Kampala ee Caasimada Uganda.
M/weyne Xasan, ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato dhigiisa Uganda Yuweri museveni.
Safarkaan oo kusoo aadaya, xili M/weyne Xasan ay ku furanyihiin xiisado siyaasadeed, ayaa waxaan si dhab ah loo ogeyn waxyabaha ay ka wada hadli doonaan isaga iyo Museveni.
Wararka qaar ayaa sheegaya in arrimaha ay isla soo qaadi doonaan ay ka mid tahay dhawaaqii siyaasadeed ee ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka ee ahaa inuu xilka ka dego, inkastoo Madaxweynuhu soo dhoweeyay baaqaas.
Madaxeynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, maadaama ciidamada ugu badan ee howl galka AMISOM ka joogaan Soomaaliya, waxaana uu horay uu qeyb ka ahaa heshiiskii Kampala Accord ee dhigayay inuu is casilo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdulaahi Faraamjo, markii ay is qabteen isaga iyo Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan, isla markaana baarlamaanka gudihiis uu mucaarado xoogan uu kala kulmay.
Warkii