Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay yihiin dowlad diid.
Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa tilmaamay in dhammaan inta dhaliisha dowladda ee Mucaaradada u muujisa ay ku sugan yihiin dalka dibaddiisa ayna ka baqayaan sida uu hadalka u dhigay Nabad ka islaaxda dalka.
Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya ugu baaqay shacabka in aysan maqlin ama u dheg raaricin hadallada siyaasiyiin uu ugu yeeray Dowlad diid.
Inta badan xilliyada ay dhacaan weeraro iyo dul duleelyo xagga Amniga iyo arrimo kale ayaa Siyaasiyiin kala duwan dhaliilo waxa ay u soo jeediyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shabelle