Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa dalka Mareykanka Brack Obama kala hadlay arrimo ay ku jirto xaaladda waddanka Soomaaliya intii lagu jiray kulan ay labada madaxweyne ku yeesheen magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka.
Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Obama horumarrada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay ka sameeyeen howl gallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.
Isagoo wareysi siinayay idaacadda Codka Mareykanka ayuu sheegay madaxweyne Geelle in baahida ugu weyn ee loo qabo in SOomaaliya ay guuleysato ay ku xiran tahay in la qalabeeyo lana xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay uga adkaadaan kooxaha argagixisada ah.
Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka caawisa dhinaca tababarka ciidamada iyo taakuleynta, ayadoo sidoo kale caawinaad joogto ah siisa howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ciidamada dowladda ka caawinaya la dagaallanka Al-Shabaab.
Radio Muqdisho