Ciidanka la-dagaallanka argagixisada ee dalka Malaysia ayaa sheegay inay maanta xireen nin Soomaali ah oo 34 jir ah, oo xiriir la leh Al-Shabaab.
Wargeyska the Star ee ka soo baxa dalka Malaysia ayaa qoray in booliska adduunka (INTERPOL) ay baadigoobayeen ninka la xiray oo aan la shaacin magaciisa.
Ku-xigeenka xoghayaha guud ee ciidanka booliska dalka Malaysia, Datuk Seri Mohd Bakri Zinin ayaa sheegay inay dabagal ku hayaan lix ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo toddobaadyadii la soo dhaafay tagay dalka Malaysia.
Wuxuu tilmaamay in ninka ay xireen afarta galabnimo ee xilliga Malaysia, ayna su’aalo waydiinayaan si ay ugu ogaadaan xogaha ku saabsan xubnaha ka tirsan kooxda ee ku sugan dalka Malaysia.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay Malaysia ku galaan qaab waxbarasho ama dalxiis.
Bar-kulan