Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka wada tirsan Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Saakoow ee J/Dhexe kaas oo inta la ogyahay ay ku dhinteen labo maleeshiyaad ah.
Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu dhex maray maleeshiyaad kala taageersan horjooge Axmed Cabdi Godane iyo horjooge Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.
Maleeshiyaadki ku dagaalamay deegaanka Saakoow ayaa weli is horfadhiya, iyadoo la sheegay inu jiro gurmad u kala imaanaya labada dhinac.
Horjoogaha ugu sareeya Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa hore u dilay horjoogayaal ka tirsanaa Shabaab, waxaana maleeshiyaadka ka amar qaata Godane ay weli baadigoob ugu jiraan horjooge Rooboow oo wata tiro maleeshiyaad ah oo isaga taabacsan.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Saakoow ayaa salka ku haya khilaafka u dhaxeeya horjoogayaasha Shabaab, kadib markii Horjooge Godane uu gacantiisu kusoo urursaday talada ururka argagixisada ah ee Shabaab.
Radio Muqdisho