Masuuliyiintaan ka socotay Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo gaarey degmada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa hogaaminayey Wasiirka Wasarada Beeraha Mudane Axmed Maxamed Baafo waxaana qeyb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaradaasi Mudane Cusmaan Libaax, Agaasimaha guud Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiintan Wasaaradda Beeraha ayaa u jeeddada socdaalkooda la xiriirtay u kuurgelidda sidii ay usoo indha indheyn lahaayeen beeraha gobolkaasi iyo sidii xal loogu heli lahaa Buundada degmada Janaale oo dadka beeraleyda ah ee halkaasi ku dhaqan cabashooyin ka muujinayeen mudooyinkii ugu dambeyey kaddib markii buundadaasi jabtey oo saameysay dadka beeralayda ah.
Wafdiga ka socdey Wasaaradda beeraha ayaa sidoo kale gaarsiiyey dadka beeraleyda ee degmadaasi ku dhaqan miro abuur ah iyo makiinadaha beeraha lagu falo oo ay u kireeyeen dadkaasi si looga saacido waxsoo saarka dalaga beeraha
Qaar ka tirsan dadka beeraleyda ee ku dhaqan degmada Janaale iyo deegaannada ku xeeran ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha sida ay usoo gaarsiyeen miraha abuurka iyo sida looga saaciday miikanadaha beeralaha lagu fusho, iyagoo xusay inay sii wadayaan tabcashada beeraha.
Agaasimaha guud ee Wasaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa waxa markii aysoo gabo gabowdey qeybinta miraha abuurka ah ee la gaarsiyey beeraleyda ku dhaqan degmada Janaale ayaa sheegay in tani ay ugu talagaleen sidii lagu dhiiri gelin lahaa beeralayda Soomaaliyeed.
Intaasi kaddib ayaa mas’uuliyiinta Wasaradda Beeraha ee uu hogaminayey Wasiirka beeraha Xukuumadda Soomaaliya waxay kormereen buundada degmada Janaale oo bur bur baahsani ka muuqdo iyo Webiga Shabeelle oo hareeraha bundadaasi ku xabaaley bacaad badan, iyadoo uu Wasiirka Warbixino ka dhageystey dadka deegankasi iyo dhibatooyinka haysta.
Muadane Maxamed Nuur Sidii Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose oo wafdiga Wasiirka gudaha gobolkaasi kusoo dhaweeyey ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyey Wasaradda beeraha saacidada ay lasoo gaartey dadka beeraleyda ah gobolkasi ku dhaqan.
Wasiirka beeraha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Baafi oo warbahinta kula hadley buundada degmada Janaale kormeerka kadib ayaa ka dalbadey haya’daha samafalka iney Wasaradda gacan ku siiyaan sidii dib loogu dhisi lahaa buundada degmada Janaale oo bur bur baahsani ka soo gaaray, isagoo tilmaamay in Wasaaradda beeraha ay sii wadayso sidii dadka beeraleyda ah loo dhiirigelin lahaa.
Radio Muqdisho