Maxaa sababay in uu is casilo Wasiirkii Wasaarada Amniga Qaranka ee Somaliya? (Warbixin)

0
1002

CabdikarimSaacidGoobeC/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii Wasaarada Amniga Qaranka ee Xukuumada Somaliya, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi, ka gadaal arrimo dhowr ah oo is biirsaday.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa Xukuumadii Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ka soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka, iyadoo Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed lagu soo koobay, in uu noqdo Wasiirka Amniga Qaranka oo kaliya.

Wasiirka is casilay, ayaan wada shaqayn sax ah ka helin laamaha ammaanka, iyadoo khilaafaadka ugu daran uu hareereeyay Talisyada Nabad Suggida iyo Booliska, iyadoo marar kala duwan uu Wasiirku isku deyay in arrimahaan xal laga gaaro, laakiin aanu helin taageeradii uu u baahnaa.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaan wada shaqayn la lahayn Ku Xigeenadiisa oo 3 xubnood gaaraaya, sidoo kalana wuxuu khilaaf daran kala dhaxeeyaa Taliyaha Booliska ee Somaliya General C/xakiin Daahir Saacid.

Wasiirka oo marar kala duwan kulamo isugu yeeray labada nin ee ugu sareysa dhanka ammaanka, ayaa wuxuu u jeediyay in ay joojiyaan far isku taagga u dhaxeysa, isla-markaana ay si niyadsami leh u wada shaqeeyaan. Ha yeeshee aynaan taasi dhaqangelin.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa sidoo kale waxa uu carqalado joogto ah uu muddooyinkaan dambe kala kulmaayay Saraakiisha Nabad Suggida ee u janjeerta dhanka Bashiir Goobe, kuwaa oo uu ugu horeeyo Khaliif Axmed Ereg, Kaaliyaha Hay’adda Nabad Suggida.

Tallaabada uu Ereg ku cadaadinaayay Koofi, ayaa waxay ka dambeysay markii uu Koofi sameeyay Ciidan Nabad Suggida ka tirsan oo ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay ammaanka u suggaan. Balse uu Ereg ku cambaareeyay Koofi in uu sameeyay Ciidan uu u arko, in isaga uun ka amar qaataan.

Khilaafaadka hareereeyay Hay’adda Nabad Suggida iyo wada shaqayn la’aanta Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxay caqabad ku noqotay in Wasiirkii Amniga Qaranka uu horu-socod sameeyo.

Kal fadhigii ugu dambeeyay ee ay yeesheen Golaha Wasiirada, ayaa wuxuu Wasiirka Amniga Qaranka uu soo jeediyay in fara-gelin lagu soo sameeyo Madaxda laamaha ammaanka, oo aan lahayn wax wada shaqayn ah, bedelkii uu Wasiirku taageero ka filaayay Golaha Fulinta, ayaa waxay natiijadu noqotoy mid uu buuq hareereeyay kulankaasi.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye, oo goobjoog ka ahayd kal fadhigaasi, ayaa waxay Wasiirkii Amniga Qaranka ku eedeysay in uu ula dan lee yahay, in xil ka qaadis lagu sameeyo General Bashiir Goobe, iyadoo xustay in haddii Bashiir Goobe xil ka qaadis lagu sameeyo, aynaan sii shaqayn doonin Saraakiisha ee ammaanka.

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo shir gudoominaayay Golaha Wasiirada, aya waxa uu sheegay in ay wanaagsan yihiin Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska, isla-markaana ay mudan yihiin in ay sii shaqeeyaan.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa Madaxweynaha Somaliya u gudbiyay dayaca ka jira ammaanka Magaalada Muqdisho iyo wada shaqayn la’aanta u dhaxeyso laamaha ammaanka, iyadoo sidoo kalana uu ku dacweeyay Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, inaanu ku taageerin in si sax ah loo wajaho marxalada amni ee Caasimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkii hore soo kormeeray Saldhigyada Booliska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, ayaa wuxuu kula kulmay Saraakiisha Booliska oo aan ku sugnayn Saldhigyada, isla-markaana ay jiifeen askartii ku sugneyd.

Madaxweynaha, ayaa aad uga carooday in la dayaco Saldhigyadii Booliska, isla-markaana laga seexdo in la xaqiijiyo ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, oo xilliyada habeenkii ay marar kala duwan ka dhacaan falal liddi ku ah ammaanka.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa caqabada kale waxay ka qabsatay dhinaca weerarada ay Magaalada Muqdisho ka geysanayaan Shabaabka iyo sida laamaha ammaanka ugu fashilmayn, in xoggo ka helaan weerarada ay soo qaadayaan mintidiinta.

Laakiin Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu ammaanaa in si wanaagsan u wajahaan Xoogaga Islaamiyiinta ee weerarada ka geysanaaya Xarumaha ku yaala Caasimada, marka loo eeggo Islaamiyiinta weerarada ka geysanaaya dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Iraq, Syria, Kenya, Nigeria iyo dalka Egypt (Masar), oo xilligaan ku soo biirtay dalalka ay ka dhacayaan falalka ka baxsan xasiloonida.

Dhanka kale tallaabada ugu weyn ee uu isku casilay Wasiirkii Amniga Qaranka, ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Somaliya oo booqasho ku jooggo dalka Koonfur Afrika, uu amar ku bixiyay in si deg deg ah uu isku casilo Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Inkastoo Wasiir Guuleed loo arkaayay in uu ku fashilmay wax ka qabashada ammaanka, ayaa waxaa hadana jira dad badan oo aaminsan in mushkilada ay ka taagneyd laamaha ammaanka, oo dhexdoodii noqday kuwo isu mashquula. Madaxdii Dowladduna aynaan tallaabo ka qaadin.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa looga fadhiyaa in uu isbedel ballaaran ku sameeyo Hogaamiye-yaasha Nabad Suggida iyo Booliska, haddiiba uu xilka ka xayuubiyay shakhsi si weyn ugu dhowaa.

Hasan Abdi

adde053@hotmail.com