Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maxaabiis ku eedeysnaa Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Xalay ka baxsadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Maxaabiistan oo ah labo Ruux ayaa ka cararay Saldhiga Magaalada Ceelbuur kadib markii Ciidamadii Ilaalada ka ahaa Saldhiga ay hurdeen iyadoona Maxaabiistaasi la sheegay in ay u baxsadeen dhanka Degaanka Ceel-Qooxle ee Gobolka Galgaduud.
Baxsashada Maxaabiista kadib ayaa Ciidamada Itoobiya ee AMISOM waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Ceelbuur waxaana la sheegay in baritaanadaasi ay ku soo qab qabteen ku dhawaad 6 Ruux iyo Gaadiid.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa siideeyay Dadka lagu qabtay howlgalka iyadoona la sheegay in ay hore u ka xeesteen Gadiidkii ay ka qabteen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Degmada Ceel-Buur ayaa ka mid ah Degaanada iyo Degmooyinkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay Dagaal uga saareen Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Shabelle