Ergagya gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhaweeyay tallaabadii ay shalay ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Juba ay ku soo furteen 30 qofood oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee magaalada Kismaayo oo ay afduubteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayuu ku yiri danjiruhu “Waxaan ugu hambalyeyneynaa ciidamada (AMISOM iyo kuwa maamulka Juba) shaqada wanaagsan, waxaana caddeyneynaa dadaalkeena aan ku caawineyno dadka Soomaaliyeed”.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ganacsatadan afduubtay ayagoo ku soo jeeda magaalada Kismaayo, waxayna u kaxeysteen dhinaca degmada Jilib. Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka ayaa ka daba tagay oo soo badbaadiyay dadkaas oo isugu jiray rag iyo haween.
Danjire Annadif ayaa cambaareeyay afduubkaas oo uu ku sifeeyay mid lagu abuurayp cabsi isla markaana lagu inkirayo xuquuqda ay dadku u leeyihiin inay so xor ah u shaqeystaan islammarkaana ugu socdaalaan waddankooda.
Radio Muqdisho