Inkabadan 130 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Mooshin ka gudbinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.
Xildhibaanadaan oo qaarkood la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go’antahay in ay isbedel ku sameeyaan hoggaanka dalka.
Xildhibaan Sanyare oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Madaxweynaha ay ka dalbadeen in uu is casilo Maadaama uu diiday ay tagayaan Golaha Shacabka si ay codkooda ugala laabtaan Kalsoonida.
Madaxweynaha oo shalay ka hadlayay Mooshinka ay ka diyaariyeen Xildhibaanada Baarlamaanka qaar ka mid ah ayaa sheegay in wixii aragti ah uu ku faraxsan yahay in la dhiibto balse waqti ku haboon lagu soo beego sida uu hadalka u yiri.
Shabelle