Mufakiriinta Jaamacada Bariga Afrika oo Xaflad Sagootineed u qabtay Macalimiintooda

0
923

Somalia (Sankaaa.WP) Xafladaani oo ahayd mid si wayn loosoo agaasimay ayn kasoo qayb galeen Maamulka Jaamacada Bariga Afrika ,Hormuudka iyo Macalimiinta Kuliyada Shareecada Ardayda Dufcada 15aad ee haatan ka qalin jabinaysa Kuliyada Shareecada ee la magac baxay Mufakiriinta Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Shirarka iyo Xafladaha ee Amal Palaza.

Xaflada oo ahayd Xafladii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah ayaa waxaa ay ka koobnayd laba qaybood oo kala ah Qado sharaf iyo Qayb Macalimiintu ay kula dardaarmayeen Ardayda haatan qalin jabinaysa. Macalimiinta ayaa waxaa ay dardaarano kala duwan usoo jeediyeen ardada iyaga oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida ay u sharfeen ardadoodu.

Waxyaabihii Macalimiintu ay kula dardaarmeen Ardada ayaa waxaa kamid ahaa inay fidiyaan Culuumtii kala duwanayd oo ay soo qaateen ayna waxbarashada horay usii wadaan , waxaa kale oo Macalimiintu ay Ardada kula dardaarmeen inay marwalba xasuusnaadaan Cabsida Alle.

Macalimiintu waxaa ay Ardada u cadeeyeen inay farxad wayn utahay inay arkaan beertii ay beereen oo mira soo bixisay.

Ardayda ayaa dhankooda waxaa ay dareemayeen Farxad aad uwayn, iyaga oo ka murugaysnaa kala go’a ku imaanaya Waxbarashadooda iyo kala tagga ay kala tagayaan Macalimiintooda.

Ugu danbayn waxaa Ardadu ay Shahaado Sharaf gudoonsiiyeen Macalimiintii wax soo baraysay Mudadii ay Jaamacada dhiganayeen, waxaana tilmaamay inaysan gudo karin Xaqa iyo Abaalka Macalimiintoodu kuleeyihiin, iyaga oo intaasi kudaray in waxa ugu wayn oo ay Abaalkooda kugudi karaan ay tahay inay sii gudbiyaan Cilmigii ay soo bareen.

Si kastaba ha ahaatee Xafladaani ayaa waxaa ay ka duwanayd gabi ahaanba Xaflada looqabto Macalimiinta iyada oo Mufakiriinta Jaamacaduna ay soo bandhigi doonaan Qorshayaal fara badan oo ka duwan kuwoo horay loo yaqaanay ee Ardayda Dhaqanka u noqotay.

 

JaamacaddaBarigaAfrika20140513_1 JaamacaddaBarigaAfrika20140513_2