Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa Habeenkii Labaad Xaafado ka mid ah waxaa lagu garaacay Madaafiic.
Xalay ayaa Madaafiic ka badan kuwii habeen hore ayaa waxaa lagu Garaacay Degmada Yaaqshiid Xaafado ka mid ah iyo Hiliwaa.
Madaafiicda badan kooda ayaa waxaa ay ku dhaceen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Garoonka k/cagta Istaadiyom Muqdisho oo AMISOM Fariisin u ah iyo Xaafada Carafaad oo Ciidamo Dowladda ah ay dagan yihiin.
Khasaaraha Madaafiicda ayaa la sheegay in ay koobnaayeen,waxaana ku Geeriyooday Hal qof iyo dhaawaca 5 kale.
Wali Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ka ma hadlin Madaafiicda Xalay Qeyb ka mid ah Muqdisho lagu garaacay.
Habeen hore ayaa degmooyinka Boondheere iyo Shibis lagu Garaacy Madaafiic kuwaas oo geeystay Khasaaro nafeed iyo kuwa hantiyadeed.
Warkii