Muqdisho: Xildhibaan ka bad baaday isku day dil

0
773

TargetingAssasination

Hay’adaha Ammaanka Oo Saakay Degmada Xamarweyne Ku Fashiliyey Qarax Lagu Xiray Gaari Uu Xildhibaan Lahaa

 

Hay’adaha ammaanka dalka ayaa saakay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ku fashiliyey qarax ay argigixisada Al-Shabaab kusoo xireen gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir Mudane C/qaadir Cumar C/qaadir ayaa u sheegay Radio Muqdisho in gaarigan xogtiisa ay heleen maamulka degmada kadib markii ay shacabka degmada ku dhaqan ogaadeen gaarigan in xalay qarax lagu xiray islamarkaana ay kusoo wargeliyeen.

 

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gaarigan ay qarxiyeen Ciidammada ammaanka islamarkaana aanay jirin cid wax ku noqotay, hadana ay xaalada degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir tahay mid degan islamarkaana ganacsigeeda uu u socdo sidii caadiga aheyd.

 

Talaabadan ayaa qeyb ka ah falalka ay sida joogtada ah uga hortagaan amaba ay u fashiliyaan hay’adaha ammaanka dalka kuwaasi oo ay soo maleegaan Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

 

Radio Muqdisho