Muungaab oo Amaanka ka hadlay Iyo Horjooge Al-shabaab ah oo la qabtay

0
939

Muungaab20140227Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Gen. Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab”ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Mudane Muungaab ayaa sheegay in Maamulkiisu uu wax ka qaban doono Qaraxyada Al-shabaab ay Gaadiidka ugu Xirayaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay san markale dhici doonin arrintaasi.

“Maamulka Gobolka waxaa uu diyaar u yahay in uu ka hortago Cid walba oo loo arko in ay Amaanka Qaranka Caqabad ku tahay,Qaraxyada Al-shabaab ay Gaadiidka Xildhibaanda iyo Mas’uuliyiinta Dowladda ku Xirayaan waan soo Af jareynaa Ficilkaas’Ciidamada Amaanka ayaana u Xilsaaran”ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen waxaa uu sheegay in Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo Mas’uul ka ahaa Qaraxyadii Xildhibaanada ay ka badbaadeen oo Saddexdii Bishaan ka dhacay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Waxaa uu intaa ku daray Muungaab in Shaqsigaan iyo Gaari uu watay Ciidamada Amaanka ay Gacanta ku soo dhigeen Maxkamad Caadil ahna la soo taagayo dhawaan.

Hadalka Muungaab ayaa imaanay xili Qarax Miino lagu Qaarajiyey Maalmo ka hor C/kaafi Hiloowle Cismaan oo hore u soo noqday Xoghayihii Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Warkii