Muwaadiniintan oo ka mid ah dadkii lagu soo qab qabtay howlgalada ciidamada ammaanka dalka Kenya ay ka wadaan magaalooyinka wadankaasi oo tira ahaa gaaray ilaa 90 ruux ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho,waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.
Dadkan oo isugu jiray haween ,dhalinyarro iyo carruur ayaa wejiyadooda laga dareemayay sida ay uga faraxsanyihiin in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo,iyagoo bad qaba, maadaama ay dhibaatooyin kala kulmeen ciidamada dalka Kenya oo tacadiyo ka dhan ah beni’aadamka kula kacay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muwaadiniintan maanta dalka dib loogu soo celiyay ay qeyb ka ahaayeen dad badan oo ku xir xiran xabsiyada dalka Kenya.
Wasiirka Wasaaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Jaamaca Maxamed Qoorsheel ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay qorshe u dejisay dadka laga soo celiyo dalka Kenya islamarkaana dib u dejin ay u sameyneyso inta aan Gobolka Benaadir deegaanno ku lahayn.
Ciidamada Ammaanka ee dalka Kenya ayaa dhawaan howlgalo dadka Soomaalida ah lagu bar tilmaameedsanayo ka bilaabay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Islii ,waxaana dadkan maanta dib loosoo celiyay ka horeeyay dad kale oo Soomaaliyeed oo horey loogu soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Magaaaladda Muqdisho, iyadoo muwaadiniintan ay noqonayaan Wajigii saddexaad ee dalkooda dib loogu soo celiyo.
Radio Muqdisho