Nicholas Kay oo Jowhar tegay

0
958

NicholasKay20140119_1Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Wafdiga ayaa hadda kulan ay albaabada u xiran yihiin kula jira mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana lagu wadaa inuu sidoo kale la kulmo qeybaha bulshada.

Wafdiga danjiraha waxaa ku jira mas’uuliyiin ka socda hay’adaha UNICEF, UNDP, UNOCHA iyo FAO sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay sarkaal ka mid ah Qaramada Midoobay oo ku sugan Jowhar.

Danjiraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kubbadda cagta ee xaafadda Kulmis ka dejisay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter), waxaana loo sii gudbiyay xarunta Xiriirka Shaqaalaha oo horay loogu sii diyaariyay.

Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ciidan gaar ah oo ka yimid Muqdisho ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka magaalada.

Bar-kulan